Waxaynu Tusaale Ahaan Usoo Qaadan imaamkii Waynaa Ee Alle-yaqaanka Ahaa Al-imaam Al-qusheyri الإمام القشيري Rabbi Naxariistii Janno Hasiiyee.
Wuxuu yidhi Imaamku isagoo Ka Hadlaya Tilmaamaha Allah سبحانه وتعالى :-
1: "ilaahey muusan ka zuulin inuu yahay kaligii iyadoo uusan jirin:(Meel ama Boos) iyo Waqti iyo Qadar, mid isaga Shabbaha (U'eg), iyo Shay kale toona, kadibbuu Abuuray khalqiga, Ahaysiiyay Caalamka. Rabbigeen lagama Dooriyo tilmaan kamid ah tilmaamihiisa, Isagaa wax Badala Ee isaga wax iskama badalaan waxbuu Soo Darisiiyaa Ee isagu masoo dariyo"
الإمام العارف بالله القشيري رضي الله عنه في رسالته (لمع في الإعتقاد )
![]() |
2: Muxuu ka yidhi imaam الإمام القشيري Habka loola dhaqmi Aayaadka iyo Axaadiista uu macnahoodu mushkilka Yahay sida, istiwaha, majii'a, yadaynka, Aydida, iyo kuwa lamid ka ah?.
Sidan ayuu yidhi:
"Wixii uu (macnihiisu) mushkil noqdo waxaynu utalasaaran ogaalkiisa Allaah, inaynu jaahil ka noqonana wax ceeb ah kuma keenayso iimaankeena, Sida Ay waajibka utahay inaynu Rumayno Sixxada kitaabkii towraat, injiil, iyo zabuur, inagoo ka jaahil ah xatta Aan Ogaan karinba marba hadii lataxriifiyay, iyo sida uu allah waajib inoogaga Dhigay inaynu Rumayno malaa'ikta iyo nabiyada ayadoo aynaan aqoonin Sawiradooda iyo Tiradooda midnbana".
عقيدة أهل السنة والجماعة هي تنزيه الله تعالى عن التشبيه والتجسيم وإثبات صفات الله تعالى بدون تعطيل ولا تمثيل
ReplyDeleteMuhim weye ustath, gacantada allaha barakeeyo.
ReplyDeleteShukran ugaas.
ReplyDelete