Wa'ayo Qoyskani?.
Qoyskani Waa Usradii Aqoonta Iyo gurigii Suubanaanta, Waa Qoyskii Subkiyiinta Waa Sheekhii Ladhihi Jiray Taqiyyudiin Cali binu Cabdil-kaafi Alsubki iyo Fariciisa,
Waxaa lagu Tiriyaa Qoyskan Qoys iyo Guri Wanaagsan oo Ahlu cilmi Ah noociisan ookalana Aan la arag, Sababtoo Ah waa Guri iyo Qoys Badankood Amaba Dhamaantood Ay yihiin Culumo, Qaadiyaal, khadhiibyaal, ama Barayaal cilmiga Daraasayn jiray, Rag iyo Dumarba waa Guri Diinta Islaamka Usoo Halgamay.
Hadaan ka xusno Dadka Ugu Magaca Waynaa Qoyskan xaga Cilmiga Diiniga waxaa ugu Horeeya Aabaha Qoyskani Ka faracmo

Hadaan ka xusno Dadka Ugu Magaca Waynaa Qoyskan xaga Cilmiga Diiniga waxaa ugu Horeeya Aabaha Qoyskani Ka faracmo

1: Aabaha Qoyska.
waa imaam wayn Suufi alle Yaqaan ah Faqiih Shaafici Ah Usluuli Ruug cadaa ah Mutakallim mandhiqi Ah oo culuumta Macquulaadka aan lagu Gaadhin Faylasuuf xikmadu Ay Afkiisa ka Da'ayso luqawi naxwi Ah iyo Abwaan Suugaanyahan ah oo uu adabka Carabigu Hoos yimaado mufassir muqri Ah oo baac dheer ku leh culuumta Qur'aanka, naanaystiisu waa: "Sheekhii islaamka Qaadigii Qaadiyaalka"
Waa mujtahidkii islaamka migiciisu Ahaa: Imaamu Taqiyyudiin Cali binu Cabdil-kaafi Alsubki,
Naxariistii janno Allah hasiiyee
الإمام المجتهد: تقي الدين علي بن عبد الكافي السّبكي
In kamida Waayo-nololeedkiisa:
Markii Aad loosoo koobo loona soo gaabiyo waayo nololeedkaiisa wuxuu dhashay imaamku billowga Bisha Safar sandkii 683 Hijri waafaqsan April 18/1284 miilaadiga, wuxuu ku dhashay qaryada Ladhaho "سبك الأحد ama "سبك العبيد" Oo kamid Qaryooyinka hoostaga gobolka Al-manuufiya ee dalka masar..
Kutubtii uu qoray:
wuxuu ka tagay imaamku Dhaxal aad u qiimo badan Qoray imaamku Kutub aad utira badan oo leh kuwo ladaabacay iyo makhdhuudh aan wali ladhaabicin waxay Gaadhaysaa Kutubta imaamku siduu leeyahay xaafidka ibnu kathiir (211) "labo boqol kow iyo Toban kitaab" oo ay kamid yihiin:
((اﻟﻨﻜﺖ ﻋﻠﻰ ﺻﺤﻴﺢ اﻟﺒﺨﺎﺭﻱ))،
((اﻻﺑﺘﻬﺎﺝ ﻓﻲ ﺷﺮﺡ اﻟﻤﻨﻬﺎﺝ))،
((اﻻﻋﺘﺒﺎﺭ ﺑﺒﻘﺎء اﻟﺠﻨﺔ ﻭاﻟﻨﺎﺭ))،
((ﻭﺭﺩ اﻟﻌﻠﻞ ﻓﻲ ﻓﻬﻢ اﻟﻌﻠﻞ))،
((ﺃﺣﻜﺎﻡ ﻛﻞ ﻭﻣﺎ ﺗﺪﻝ ﻋﻠﻴﻪ))،
((الاجتماع والافتراق في مسائل الأيمان والطلاق))
((النظر المحقق في الحلف بالطلاق المعلق.))
((رفع الشقاق في مسألة الطلاق))
((شفاء السقام في زيارة خير الأنام.))
((السيف المسلول على من سب الرسول))
((إبراز الحكم من حديث رفع القلم)).
((الإبهاج في شرح المنهاج على منهاج الوصول إلى علم الأصول للقاضي ناصر الدين البيضاوي.))
((الابتهاج في شرح المنهاج للإمام محيي الدين النووي.))
((غيرة الإيمان الجلي لأبي بكر وعمر وعثمان وعلي.))
((سبب الانكفاف عن إقراء الكشاف.))
((ثلاثيات مسند الدارمي)).
((بيان الأدلة في إثبات الأهلة.))
((الاعتصام بالواحد الأحد من إقامة الجمعتين في البلد.))
((تقييد التراجيح في صلاة التراويح))
((ضوء المصابيح في صلاة التراويح))
Iyo kuwo kale oo aad ubadan,
DHAMAAD:
Qaybta xigta waa caruurta Qoyskan insha Allah وبالله التوفيق
___
Comments
Post a Comment